Deeq A. Posted February 21, 2020 Muqdisho (SMN) – Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxay si furan ka hadlay sababta aan wax guul looga gaareyn wada-hadalka Somaliland. Cabdulle Faarax Xirsi, oo kamid ahaa baarlamaanka 8aad ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay dedaalada u dambeeyay. Xirsi oo ka qeybgalay barnaamijka Dooda Jimcaha Shabelle ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaga mahadceliyey in uu kulan siiyey madaxweyneyaasha Dowlada federaalka ah iyo maamulka Somaliland. Mudanaha ayaa daboolka ka qaadey in talaabadaas ay tahay mid horey loo qaadey oo isu soo dhaweyneysa labada dhinac. Dhanka kale, aqoonyahan Injineer Nuur Sheekh ayaa kasoo horjeestay aragtida Xildhibaan Cabdulle Xirsi. Wuxuu ku adkeystay in aysan muhiim ahayn dhinac afaraad oo u kala dab-qaado Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna arrintaas ku qeexay mid caqabad ah isla markaana aysan guul keeni karin. Wada-xaajoodyadda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad ku jira muddo sanado ah, waxaana dowladda Farmaajo fileysaa in ay dib u bilowdo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites