Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyeyaasha G/Banaadir oo amar la dul-dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SNM) – Shirka maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish].

Ajendaha ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa dardargalinta amniga magaala madaxda, nadafada iyo kordhinta dakhliga.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa la sheegay in uu ku amray guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay xooga saaraan bilicda magaaladda.

Sidoo kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa la faray in ay la xisaabtamaan dadka xoolahooda kusoo dhex-deynaya magaaladda.

Image may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and beard

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this