Deeq A. Posted February 21, 2020 Muqdisho (SNM) – Shirka maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Kulanka waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish]. Ajendaha ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa dardargalinta amniga magaala madaxda, nadafada iyo kordhinta dakhliga. Gudoomiye Cumar Filish ayaa la sheegay in uu ku amray guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay xooga saaraan bilicda magaaladda. Sidoo kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa la faray in ay la xisaabtamaan dadka xoolahooda kusoo dhex-deynaya magaaladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites