Deeq A. Posted February 20, 2020 Gen. Maxamed Cali Bariise. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenkii Ciidanka xoogga dalka Gen. Maxamed Cali Bariise. Bayaaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka qaadistan timid kadib markii Madaxweyne Farmaajo garwaaqsaday baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo ciidanka xoogga dalka. “Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid kaddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah” ayaa lagu yiri bayaanka Villa Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore Darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise, sidoo kale u magacaabay Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga. Xilka qaadistan ayaa warar hoose sheegayaan in ay ka dambeysay, kadib markii Bariise ka hadlay ciidamo Soomaali ah oo la sheegay in ay ka tahriibaan Turkiga. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo xilka ka qaaday Taliye uu dhawaan magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites