Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Weftiga Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in weftiga dawladda Itoobiya ee wasiirka maaliyadda Mudane Axmed Shide hoggaaminayay aanay wax culays ah ku saarayn sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa.

FB_IMG_1582142908652.jpg

Wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa BBC-da u sheegay in weftigu u socday arrimo ku saabsan dekedda Berbera iyo jidka Berbera Coridor, islamarkaana aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka.

Wasiirka oo la waydiiyay in weftiga Itoobiya culays ku saarayay sidii Farmaajo u iman lahaa Hargeysa ayaa yidhi “Wax allaale wax arrintaa ka jiraa ma jiro. Dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh aad u dhaw oo degaan ahaan iyo dal ahaan aan kala maarmin, waxa laga wada hadlayay danaha guud ee umadda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya haddii ay tahay ganacsi, DP World iyo Berbera Coridor waxaana cad oo meel looga leexdo lahayn in madaxweynaha Somaliland laba cisho ka hor sheegay mawqifka Somaliland taaggan tahay marka meel wasiir wax ka odhan karo way dhaaftay goleyaasha ayuu madaxweynuhu u sheegay siyaasadda Somaliland halka ay taaggan tahay iyo waxa umadda Somaliland rabto.”

Weftiga ayaa la sheegay in uu maanta dib u laabtay iyada oo aanay xukumaddu wax war ah ka soo saarin cidda la kulantay waxyaabaha ka soo baxay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this