Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalada Gedo oo saameysay waqooyi bari Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Gudoomiyaha degmada Mandera ee gobolka woqooyi bari dalka Kenya Ali Roba oo ka hadlayay kulan ka dhacay gudaha degmadaasi ayaa sheegay in dhaq dhaqaayada ciidan ee iska soo horjeeda ee ka jira gobolka Gedo ay saameyn dhanka amaanka ah ku yeelaneyso ku yeesheen degmada Mandera ee gobolka woqooyi bari.

Ali Roba gudoomiyaha degmada Mandera ee woqooyi bari ayaa sheegay in dhinacyada siyaasad ahaan iska soo horjeeda ee ku sugan qeybo badan oo kamid ah gobolka Gedo ay dhibaatooyin badan ka abuureen gudaha Mandera ee xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay boqolaal kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad geysay degmooyinka Beledxaawo,Luuq Dooloow ee gobolka Gedo.

Si kastaba ha’aahatee gudoomiyaha degmada Mandera ee gobolka woqooyi bari dalka Kenya Ali Roba ayaa xusay in wasiirka amniga ee Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowlada Soomaaliya,intii ku sugnaa gudaha Mandera ay degmadaasi ka jirtay cabsi dhanka amanaka ah,maadaama ciidamo badan ay wehlinayeen wasiirka baxsadka ah ee Jubbaland.

Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa hadalkiisa intaa ku daray in aysan aqbali doonin indhahana aysan ka qabsan doonin in gudaha Kenya uu markale si sharci darro ah kusoo galo wasiir janan oo dowlada Soomaaliya ay baadi goobeyso.

Dowlada Soomaaliya ayaa wasiirka amniga ee Jubbaland horay ugu eedeysay in uu geystay danbiyo ka dhan bin aadanimada,waxaana 28-kii Janaayo ee bishii lasoo dhaafay uu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho,sida booliiska Soomaaliya ay shaaciyeen,isagoo sadex maalmood kadib doon ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this