Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Ka Dhex Oogan Turkiga Iyo Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Turkiga iyo Ruushka ayaa is-dhaafsaday hadallo kul kulul shalay Arbacadii ka dib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doonno Syria, si loo dhammeeyo waxa ay Ankara ugu yeedhay howlgallada arxandarrada ah ee ciidammada Syria ay ka wadaan gobolka Idlib.

674e3080-d59a-4cab-ae9b-56f35c2af30d_cx0

Tani ayaa imanaysa iyadoo hay’adaha gargaarka ee Syria ay soo saareen baaq degdeg ah oo ku aaddan in xabadda la joojiyo iyo in caawimaad caalami ah loo fidiyo dad ku dhow hal milyan oo qof oo ka cararaya dhibaatada ciidamada maamulka Asad ay ka wadaan gobolka ku yaalla waqooyi-bari dalkaasi ee Idlib.

Dowladda Turkey oo taageerta kooxaha fallaagada ee ku sugan Idlib, ayaa in muddo ahba kala hadleysay Russia in xabbada la joojiyo, iyadoo dooneysa in ay ka hortagto mowjado kale oo qaxooti ah oo dalkeeda soo gala kuwaasi oo sii kordhin kara 3.7 milyan oo qaxooti Syria u dhashay oo haatan ku nool dalkeeda.

Laakin Erdogan ayaa sheegay in wadahadalladii u danbeeyey ee dhexmaray Ankara iyo Moscow aan lagu guuleysan in natiijo wax ku ool ah laga gaaro, waxaana uu ka digay in Turkey uu qaadi doono howlgal uu ka fuliyo gudaha Syria waa haddii buu yiri aysan ciidamada Damascus isaga bixin gobolkaasi dhamaadka bishan.

Hase ahaatee, aqalka Kremlin ee looga taliyo Russia ayaa si degdeg ah uga jawaabay hanjabaadda ka soo baxday Erdogan, waxaana ay ka digeen in weerar lagu qaado ciidamada Syria ay tahay “xaallada ugu xun.”

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this