Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad: Qorshaha Al-Shabab ma ahan inay ka adkaadaan DF iyo Amisom

Recommended Posts

Deeq A.   

‪Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in istaraatiijiyadda dagaal ee Al-Shabaab aysan aheyn in ay ka guuleystaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, sababtana waxa uu ku sheegay in aysanba awuudin.

Qoraal uu Yuusuf  Garaad soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in istaraatiijiyadda  dagaal ee Al-Shabaab laga dheehan karo, in dowladda, AMISOM iyo duqeymaha Mareykanka ay ka suuli kari waayeen Soomaaliya, Al-Shabaab-na ay yoolkaas gaareen sanadkii dhamaaday ee 2019.

Yuusuf Garaad waxa uu sheegay in Al-Shabaab yoolka ah in aan looga guuleysan dagaal ay degsadeen sanadkii 2006-dii oo ah sanadkii uu bilowday dagaalka tooska ah ee lagula jiro.

“Haddii aan mucjiso la isku halleyneyn, siyaasadda 14 sano oo xiriir ah shaqeyn weyday oo sideedii ah, iyada oo inta kale ay eg yihiin, lagama fili karo in ay sannadkaan guuleysato. Dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ayay u baahan tahay siyaasadda ku wajahan Shabaab.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ex wasiir Yuusuf Garaad.

Hoos ka aqriso qoraalkan uu Yuusuf Garaad soo dhigay bartisa Facebook

Istaraatiijayada dagaal ee Shabaab yoolkeedu ma aha in uu Dowladda iyo AMISOM Ka guuleysto. Waayo taa ma karo.

Yoolka Istaraatiijiyada Shabaab waxaa laga akhrin karaa in ay tahay in Dowladda, AMISOM iyo duqeynta Mareykanku ay Shabaab ka suulin kari waayaan Soomaaliya.

Yoolkaas wuu gaaray Shabaab sannadka dhammaaday ee 2019.

Waa yool uu ku guuleystay in uu gaaro sanad kasta tan iyo 2006 markii uu dagaal fool-ka-fool ah billaabay,

Dhaanka qaada dhabbe aan ceel tageyn, la iskuma halleeyo in biyo uu keenay lagu oon gooyo.

Haddii aan mucjiso la isku halleyneyn, siyaasadda 14 sano oo xiriir ah shaqeyn weyday oo sideedii ah, iyada oo inta kale ay eg yihiin, lagama fili karo in ay sannadkaan guuleysato.

Dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ayay u baahan tahay siyaasadda ku wajahan Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this