Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti: Madaxweyne Deni oo booqday xarumo dowladeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti ayaa maanta booqday xarumo dowladeed.

Madaxweyne Deni iyo wafdigii la socday ayaa booqday Dekadda Dooraale, Dekadda Damerjoog, xarunta xargaha qaada Internetka xawaarihiisu dheereeyo “Fibre Optic Cables” iyo aaga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti Free Trade Zone sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa booqashada xarumahan ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dalka Jabuuti iyo masuuliyiinta xarumaha uu booqday oo warbixin ka siinayey xarumahaasi.

Madaxweynaha Puntland waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada, Saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo ganacsato.

FB_IMG_15821266045964488.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821266473837719.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821267068023326.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821268206375118.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821267960670838.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821268368039014.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821268481721087.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821267713476853.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821267169463537.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821267801932336.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821265753539013.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15821267253079201.jpg?w=1000&ssl=

PUNTLAND POST

The post Jabuuti: Madaxweyne Deni oo booqday xarumo dowladeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this