Deeq A. Posted February 19, 2020 Wasiirka maaliyada xukuumada federaalka ee dalka Ethiopia Axmed Shide ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaana ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, iyadoona uu isla maanta kulan gaar ah madaxweynaha uu kula qaadan doono qasriga madaxtooyada ee Somaliland. Safarka wasiir Axmed Shide ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriira wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Wararka ka imaanaya Hargaysa ayaa sheegaya in socdaalka wafdigan Ethiopia ee booqashada ku tegay halkaasi ay soo dadajisay qorshihii dhiciska noqday ee abiy Axmed, maadaama Somaliland ay iska diiday in Farmaajo uu booqdo magaaladaasi. Madaxweynaha Soomaaliland oo shalay khudbad ka horjeediyey labadda gole ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa cadow ku tilmaamay dowladda federaalka, wuxuuna cod dheer ku sheegay in ay la gashay Somaliland dagaal toos ah iyo mid dadban intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites