Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti Heer Wasiir Ah Oo Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Maanta Imanaya Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia Axmed Shidde ayaa la filayaa inay Maanta soo gaadhaan Caasimadda Hargeisa ee xarunta Somaliland.

unnamed-1-1.jpg

Ma jiro war rasmiya oo dawladda Ethiopia ka soo saartay Booqashadda Weftiga uu hogaaminaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, balse Ilo wareedyo kala duwan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Arbacadda maanta ah ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay soo gaadhi doonnaan Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia Mudane, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanna la filayaa inay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonnaan, isla markaanna u gudbin doonnaan dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Warku waxa uu intaas ku daray in Xubnaha Weftiga dalka Ethiopia ee uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas Ahmed Shidde ay Muuse Biixi Cabdi ku qancin doonnaan aqballaada Booqasho ay si wada-jir ah ugu yimaaddaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, taasoo sida wararku sheegayaan uu toddobaadkii hore kula soo qaatay magaalada Addis ababa oo ay kulan ku yeesheen madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, taasoo wax iska badalleen markii uu Hargeisa soo gaadhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Weftigan uu horkacaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia ayaa la filayaa inay Madaxweyne Muuse Biixi u soo bandhigaan fullinta qoddobadii uu ku soo aqbalay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia, iyaddoo uu madaxweynuhu kunna khudbad sanadeedkii uu maalintii shalay uu u jeeddiyay goleyaasha uu ku sheegay inaanay suurto-gal ahayn booqasho uu Madaxweyne Farmaajo ku yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, hase yeeshee waxa aynu isha ku hayn doonnaa Qoddobadda ay Weftigaaasi u soo gudbiyaan iyo go’aannada uu ka qaaddo Muuse Biixi Cabdi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this