Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo soo dhoweeyey raalli-gelintii Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta hortagay golaha wakiilada iyo golaha guurtida ee maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Biixi oo khudbad u jeediyey labada gole ayaa ugu horreyn ka hadlay raalli-gelintii uu madaxweynaha Soomaaliya ka bixiyey dhibaatadii loo geystay Somaliland, wuxuuna sheegay inuu aqbalay, islamarkaana uu soo dhoweynayo garawshiyaha Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raalli-gelintaasi uu arko tallaabo loo qaaday dhanka nabadda iyo iskaashiga.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday booqasho la sheegay in Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku tegayaan Hargeysa, taas oo uu ka biyo diiday.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Biixi.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this