Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo Sheegtay Lahaanshiyaha Farmaajo iyo Soomaaliya oo Dhan!

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa isniintii daabacay khariidadda Itoobiya ah oo ay ku jirto Somaliland arrintaas oo Soomaali badan oo ka hadashay ay ku tilmaameen sahansigii 2-aad ee uu sameeyo Abiy Axmed iyo mid xad gudub ku ah jirintaanka qarannimada Soomaaliya iyada oo maamulka Farmaajo lagu dhaliilay aamusnaanta iyo u carab raaricinta xabashida.

kow.jpg

Tallaabadan waallida ah ee Abiy Axmed ayaa imaaneysa wax kayar sanad markii wasaaraddiisa arrimaha dibadda ay sidoo kale daabacday khariidadda Afrika oo laga saaray Soomaaliya, loona oqoonsaday Somaliland ah dal ahaan.

shan.jpg

Arrinta shalay oo lagu daro middii sanadkii hore waxaa ay adkeyneysaa shaki hore oo jiray, damaca xabashida iyo heerka uu loolanka gaaray, waxaa kale oo ay daliil u tahay hurdada maamulka Farmaajo oo walaalnnimo, jaceyl iyo kalsooni siiyey Abiy Axmed, dhabtana uga fadhiya xabashida.

Xuseen Sheekh Cali ayaa ummadda Soomalaiyeed kula taliyey in ay indhaha furaan isaga oo intaasi ku daray in arrinkan ay tahay mid lagu tijaabinayo damiirkooda.

labo.jpg

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in loo baahanyahay in Farmaajo la weydiiyo waxa uu ka ogyahay khariidada uu daabacay Abiy Axmed ee laga jaray gobollada waqooyi.

sadex.jpg

Senator Ilyaas oo ka mid ah baarlamaanka federaalka ah ayaa si caro leh wax uga qoray khaladka ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

lix.jpg

 Mid ka mid ah wasiirradii uu ceyriyey madaxweyne Axmed Madoobe ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in khariidadda uu daabacay Abiy Axmed ay ku jirtay arkeefiyadaha Tigray People’s Liberation Front, markii uu arkana amar ku bixiyey in la tiro. Ninkan oo difaacay qaladka Abiy Axmed waxaa uu warkiisa ka degi waayey wasiirkii amniga ee DF Cabdi Risaq Maxamed.

afar.jpg

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu u dhaqmaa qaab aan la fahmi karin, marka laga soo tago khariidadaha Soomaaliya uu marka dhinac ka jarayo, waxaa uu  Soomaaliya ka jeediyey East African Community (EAC) oo ay muddo ku taameysay taa badalkeeda sameeyey koox uu madax u yahay oo ay kula bahoobeen Eritrea, Soomaaliya iyo Suudaan.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this