Malika Posted May 27, 2009 Ouch! for Paragon.. , sucking up didnt do you good huh? Go Haneefa,Go Haneefa...LOL Tolow yaa yirii he has to take her to Paris,buy her a diamond ring and make sure every time they meet he has to bring her flowers and chocolate, and the future plans being he will be a stay at home father,in all manners.. Waa bila dhaqan celis..heh Paragon[i am sure you meant well,but got confused about dhaqan iyo Islamic etiquette,were sharaaf iyo xishood come into it] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted May 27, 2009 ^ No, no, ha isku kaaya dirin wiilka...this is all out of genuine concern for his beloved Somali sisters, lol. Bas anigu waxaan ku waaninlahaa (if he cares for my waano) inuu miyiga wadankii iska dago, that way gabdha uu la dhaco mooyaane kuwa ka yaabiya muunan arkeen Ahlaaan Nephy!! Xabibti, nafta ka waran? Missed you *Waves at Buuxo* Quote Share this post Link to post Share on other sites
Malika Posted May 27, 2009 ^ , waan iska daynaya wilka, walle miyi inuu iska dago ayaa ficaan,he will find pleanty of 'dhaqan'..Lol ps.Paragon, you know am pulling your leg right? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted May 27, 2009 this baraless guntiino talk will bring Rudy to this thread. watch. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 28, 2009 ^Lol. Ducaysane, nin balaaya ah ayaa tahay ninyow. Adiga diirada waxeey kuu saaran tahay hal meeloo qura. Malika iyo Nafiisa, iga qaleeya nooh. Qoftaan Haneefah aan iska dhiciyee. Haneefah, adiga marna waad ila jirtaa marna waa iga soo horjeeddaa? Fiiri, I know full well inuu midabkaagu kii asliga ahaa eed ku dhalatay weli yahay (like maarriin casaan galay, sida qoraxdoo godka cirifka gelisey). Waxaa tahay naturaal. Marka waxba ha u baqin, aniga gabdhaha waxa aan ku boorrinayo mar horaad ka baramoostay, oo buunda sare ayaad ka taagan tahay. Teeda kale sida habboon ee aad u tilmaamisey hawlaha ay hablaha miyi qabtaan ayaanba ka helay. And no, miyi uma socdo hadda intaad ogahay ineey jirto gabar dhaqanka intiisa wanaagsan iyo diinba haysata. Diintaaba ugu muhiimsan, baan aniga isleeyahay. Dhaqanka is just a foundational thing. Mid aan isla subcinno oo ilamahana quraanka barto ayaa loo baahan yahay. Horta ma aragtaa sidaan isaga kaa sasabayo? Illeen nin horey loo duqeeyey baan ahaye waxaan rabaa inaan labadayada isku dhinac ka soo jeedsanno, oo aan iska dhiciyo Malika, Nafisa, Lily iyo qaar kaleba. Accept this as appeasement. Laakiin doodda about dhaqanka iyo diinta ha inoo dambeyso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted May 29, 2009 ^ Ma anigaa leedahay iigaga hiili???? Wayoo way, Walleee, waxaa tahay jazaaar! Waxaan ku mahdiyaa maalintaan Jamaal jaanis-sii lahaa, inaysan i dhagaysan . Saacadaan waa is-ciili lahaa, ninkaan gabadha u qal-qaaliyay baa igu jizaaray baan la uur-xumaan lahaa. Laakin hadda..aaaaxxx waa ku istareexooyaa sideey kuugu Daadisay. Sidaa u hanaq-hanaq lahayd aa lagu dhahay iska-qabo.. HOO-Bariiska, kkkkk! Carabta waxay dhahda markanoo kale: 'macal asaf' L0L. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 29, 2009 ^Lol. Kamoon now Nafisa. Xaggaa ha aadin please. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted June 1, 2009 Originally posted by Paragon: Accept this as appeasement. Laakiin doodda about dhaqanka iyo diinta ha inoo dambeyso. Waa hagaag Nephy, you are such a muftariya! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 3, 2009 ^Naphy dibadaan dhigeynaa in yar Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 26, 2010 Rooda Ibrahim waa Abwaanad ay dadka Soomaaliyeed mel ay jogaanba aad u xiseyaan gabayadeeda waxayna in badan gabayo ka tirisay Halganka Ogadeenya ee u dhexeeya umadda Ogadeenya & Gumaysiga Itoobiya, waxay Rooda gabayga biloowday ayada oo aad u yar waxayna tirisay gabayo ay ku dhiiri galinayso umadda Soomaalida Ogadeenya. Hadaba Todobaadkan oo ay Waddanka Ogadeenya ka socdaan howlgalo ciidan oo aad u xoogbadan dhamaan gobalada & dagmooyinka Ogadeenya howlgaladaas oo ay fulinayaa Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadeenya waxay Abwaanadu kaga qayb qaadatay gulufkan cusub ee Calanside gabay aad u qiiro badan oo ay ugu wanqashay isla magaca Calanside kaas oo ay curisay 16/09/2010 Gabaygan oo si dhab ah ula jaan qaadaya howlganka Calanside & arimaha ku xeeran: Sugaanta iyo gabayadii hibo la ii siiyey Ilaa iyo saqiirnamada waa taan goyn jiraye Kolkuu Eebe ii sakhiro sowdku ii furanye Aan sifeeyo maantoo kalaan gacalka sooraaye Waran hilibka saafiyoo gantaal seeda kala gooya Siidhiga dhawaaqa watee samada jiidhaaya Isticmaarka suudha leh codkii sirirshay weeyaane Isaga iyo kuwii uu sixree cudurku saameeyay Sanqadhayda goortay maqlaan khoofku wada saaqye Ha salsalo wayaanihii baryahan sirinsirqaysnaaye Sanbabka iyo wadnaha aan ku jaro weedha seefta ahe sakaraadkii baa dhibahaye aan sagootiyo'ee Saddexdaasi waa ararta hore sadaradeediiye Sawaariikhdii aan ridi jiroo simantay weeyaane Waa sarmaweydada cirkoo saydhay karadhiiye Seqdii dhexe gudgudo hooray oo maydhay saxalkii dheh Sururiyo niyada farxad kayimid oo siyaado ah dheh Marna hawlgalkii calanka siday sacab tumkiisii dheh Gumaysiga saqaafaha kuyimid sabadda ciidayda Inkastoo uu na saxariiryo silic lanoolaayo Oo uu saqiir iyo kabiir suudi noogu ooday Isna seexad u diidanahay oo darmada seegye Sadkuu naga macaashana waa sun iyo baarudee Adoonsiga siloone inbadan nagu sabeynaayay Surka diidnay keenada inuu waana noo sudha'ee Shacab aan sariigtiyo ka dhiman sadaha imaanku Sumacada ilaa shanhayoo marinka seegaynin Saqajaana aan qaadan karin soodh la wada boobyee Dadweynaha dulmigu saranyahay seefta midigaystay Soomajeestayaal baa horkacay qaatay sahaydiiye Sibraarna dhaansaday ONLF waa saciim dhab ahe Safka hore waxaa galay ragay bilidu saarnayde Geesiyaashii noo sarakacaa nacabka suun goyne Sunbadii Ogadeeniya timid xidadka loo siibyee Halgankaa salaanada fog iyo sibirta loo aasay Sayid maxammed baa laga dhexlay iyo saahidkii Guraye Iyagaana sees adag u dhigay saymad dirireede Adoonsigi sumadahay badeen suulin kari waaye Maantana waxaa dacayga sudhi jwxo oo soliye Sidiibaan saldhiyo halgan ugu salaanaaye Sabrigii in badan damacu waday ruuxda laga saarye Gumaystaha sartiisiyo waxaa oloshay saantiiye Sandulaynay caal saarahana waan ka sidanaaye Sarar iyo hadduu xoog lahaa maanta waa salane Saraxiyo garbuhuu taagi jiray wiilalbaa simaye D'aba******ka saar iyo xabashi sidato rooxantu Iyo sawaca daafida la cuna ha u saqleeyeene Senaawiyoow walle reer Maqalle samankan waa u hooge Soomalida Ogadeeniyana samiyo waa u guule Dugaagii suuransaday sabi iyo waayeelba Salka kiciyee shacabkaanaga wada sabooleeyay Sarwad cadha wadani sitaa saaray geedada'e Saf balaadhan buu gulufku yahoo ku soconaaye Saanad iyo kolkii loola tagay gumacyo soofaysan Wayanihii salaanka u go'yoo sabarna naafoowye Saraakiisha iyo ciidankii daba suqdhaynaayey Sarartoodii naaxduu dhurwaa saaka cunayaaye Tukaha saloolanhayiyo haad saan uun rabaye Sunbaaxada uriyo bakhtiga suuqa lala yaabye Socotadii dameeraha kutimid salabka loo qaadye Sabaaxad markii lala helee dhinaca loo seexshay Ee sankii goraray bay kor u sanaadheene Samadaa ku guuxdoo arlada suur kaga yeedhe Sawaxan yaableh iyo waxaa ku kacay siigo iyo boodhe Saylac iyo waxbaa ooga shanqadhay suufka xeebaha'e Saxaraha banka iyo waxaa wiiray geedo seemana ahe Sanahaadho jiiidhi bay ka fili saaxil iyo maydhe Sool iyo libaaxyaa ka ciyey Gedo salkiisiiye Oo saskii ayaamahan ku dhacay cadawgu saab qaadye Adoonsiga sirgaxane in badan guudka naga saaran Sutiday halyeeyo u qabteen oo sal dhigi waaye Subagii Liiban iyo Afdheer maadh kawada soogan Saxansaxa Hargeelaaliyo Saami dheera ahe Samsamkii Shabeeliyo Godey miida soconaysa Sareenkiyo waxaa laga helaa dalag la soo saaro Sakalaha Qalaafiyo Dhanaan sarabka Feyrfeyre Siraw iyo simaha Doolo ahe sugul ka foofayso Sabadii Qoriiliyo Wardheer waanan siin karine Salka Dahare seeraha bankii Qoraxay loo saantay Sarsarada Shilaabiyo dhulkuu noo fadhiyo saadku Saliidiyo arladay la hurdaan gaaska sibidhoobay Dhagaxbuur sangaha daaqiyo sogabka gooloobay Sugumaha Awaariyo Digiyo sarabka Gaashaamo Hadal kuma sifayn karo kolaba saaca Jarareede Salaxaad degmada Sagag iyo Sibbi banaankeeda Sulul iyo sakaraha Garbiyo Fiiq sarsaaraheeda Dhulka Saddexda caanaha macaan lagu sareedeyey Macdan saxa siti malab oo Nogob ku saameelan Sarihii Jijigiyo Adari iyo seesha Haramaayo Saldhigii Shiniiliyo Ayshaca Diridhaba saaran Surad iyo silsiladaha guray sararta Haadaamo Soohdintii dalkaygiyo waa sagalka ii muuqda Rabbigii nasiiyey dhulkuu saan u barwaaqeeyay Wabeiyada sakaarka is dariyo togaga saaweeya Buuraha Ilaahay simay iyo laagag kala saydhma Dhirta sodon kun oo nooc ka badane dul saaran ciida Kama soomaan karo dadkii sooca u lahaaye Guumaystaha in loo saamaxoo laga sifayn waayo Amma uu sharfta naga suuliyo abid na saarnaado Waa si aan dhacaynoo kolba suurto gal ahayne Xornimana sadaal iyo ka weyn shay saleele ahe Surmiyo dhibaa loo muutaa suudi iyo oone Ma sal dhigato gobanimo hadaan saymo loo marine Sacab dhiig leh dabadii uun bay guuli sabataaye Xaq lagaa sagsaagay hadduu sabano kaa raago Sina looma yeeloo dulmigu inuu ku saarnaado Adoo iilka seexdaa ka roon nolosha seegseegye Sifihii dadaalkiyo adoo sabirba kaa muuqdo Saacidoo Eebaa lahoo samu la tuugaayee Sacabadana loo hoorsadaa inuu ku siiyaaye Socod dheerna waa lagu daraa saada khayrka lehe Dadku saaba saabiyo hadduu solay ku noolaado Nafta sadaro aan muuqan baa loo sawirayaaye Suraxaadintaasay indhahu sahal wareeraane Kolkaasu qalbiga suus galaa kuna samaysmaaye Siyaasada Itoobiya ninkaan dhab ula saanqaadin Socodkiyo majarahaa ka luma wuuna salalaaye Raga kala suucayoo haday soori idin qaaday Amma uu si kale hadduu xaalku yahay lana siloodaaday Itoobiya saldaniyo saad jeclaatay hortiin laga waaye Sanbareerkii lagu bay dib u sumaysaaye Soomalaadka iyo orodkan badan siiba shaaxigiiye Amma jeel saldhada loo galaa wada sugaysaane Salkuna waa Dhanaan iyo kobtaan cidina seegayne Saylalaxadu yeyna idin la tagin sibiqdu waa jaane Shacabkaa saliilyada qabee cadowgu seeteeyay Soomali weeyan la hubo weliba waa sooce Sinjigooda lama doorin karo waana siidh adage Soyaalka taariikhahana waan la soconaaye In maqaar lanoo saaroo xabashi suudhlayda Sanka la ii marmariyaan kolnaba suurto gal ahayne Anaga iyo sirqada baahane sidata caydhiinka Sakooyiyo xigaal iyo manihin tol iyo saaxiibe Saxiix iyo heeshiis lama galno Saadirka ii magane Oo sifadiyo dhaqan xumadaan ooga siqaynaaye Soorooyinkoodiyo orgida dhibida saydhaysa Iyo saalixiintiyo gabdhaha saxuur ciibadaysta Rabbaa kala sifeeyoo wallaan la isku soohayne Suyaciyo Allow ha igu darin wada sinjiidhlayda Itoobiya sidaan uga tashaday duulanka loo siicye Sunaha kuwa xiirtiyo horinta seero(zero) ah Sanaawiyo haddaba dhiiriyeen sawrac foolxume Suqsuqiyo bahoolaha uu uqoday ha u sawaalaane Sunta uu waraabshiyo jirada samo ha moodeene Annaba socodku waa geedigii gibishu saarnayde Oo waa halkii aan suntaday sahanka gaadhsiiye Sadka gobonimyo waa ku hiro sahandabe iyo guule Halkan ka dhagayso-mp3 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted December 25, 2010 Glad we have Somali women, like Af jano. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismalura Posted December 26, 2010 My inadeer is so talented maanshalah ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted December 26, 2010 I am currently listening to it. She is a gifted revolutionist. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted April 28, 2011 waad qufan tahay adna Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted May 1, 2011 Overrated, ma xuma laakin xogaa caadufad baa ku jirta, waa sheekadii qaar reer waqooyi ku oraneyeen Ilma Mooga baa ugu sareeya abwaanada oo kale. Buraanbur iyo Gabay midna waxba ma soo dhiciyee, Amxaarta ha la iska celiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites