Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo aqbalay raalligelintii Farmaajo, kana warbixiyey kulankii Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad sanadle ah u jeediyey golaha wakiilada & golaha guurtida ee maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa, ‘booqashada’ Farmaajo ee Hargeysa, dhaqaalaha, amniga, shaqo la’aanta dhalinyarada, doorashooyinka iyo siyaasadda arimaha dibadda Somaliland.

Kulankii Addis Ababa.

Muuse Biixi oo baarlamaanka Somaliland u sharraxayey kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inuu ahaa mid kadis ah oo aan la sii qorsheyn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulanka dhex maray isaga iyo madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu isugu yeeray si deg deg ah Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, inkastoo uusan faah faahin dheeri ah ka bixin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

“Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa igu casuumay shirkii Afrika, waxaana uu ii sheegay in aan la kulmayo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu doonayo in uu kala dhexgalo labada dhinac, waana ku taageeray oo waan aqbalay” ayuu yiri Biixi.

‘Booqashada’ Farmaajo ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale inta uu waday khudbad-sanadedkiisii 3-aad soo hadal qaaday arrimo ku saaban booqasho la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ku tegayaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Biixi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Farmaajo uu tegayo, Hargeysa oo ah caasimada maamulkaasi, isagoona carabka ku dhuftay ina aanay waligeed dhici doonin.

Raaligelintii Farmaajo

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey raalligelintii uu madaxweynaha Soomaaliya ka bixiyey dhibaatadii loo geystay reer Somaliland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo garawshiyaha uu Farmaajo ka bixiyey ‘xasuuqii’ qarnigii tegay ka dhacay waqooyiga dalka.

Waxa kale oo uu tilmaamay in raalligelintaasi uu arko tallaabo loo qaaday dhinaca nabadda iyo iskaashiga.

“Waxaan u arkaa raalligelintaas talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo iskaashiga”. ayuu yiri madaxweynuhu.

Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalaha Somaliland uu haatan wanaagsan yahay, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in koritaanka dhaqaalaha maamulkaasi uu gaabis ka dhigayo caadaadisyada saaran xukuumaddiisa.

Amniga.

Amniga oo uu soo hadal qaaday ayuu sidoo kale carabka ku goday in sanadkaan 2020-ka laga gaaray guullo waa weyn, islamarkaana si heer sare ah loo sugay nabad gelyada.

Mudane Biixi ayaa xusay inuu u mahadceliyo ciidanka qaranka iyo shacabka Somaliland oo uu sheegay inay ka wada shaqeeyeen horumarka amniga jira.

Doorashooyinka.

Khudbadda madaxweynaha oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa qeyb ka mid ah wuxuu uga hadlay doorashooyinka muranka badani ka taagan yahay ee maamulaasi, isagoo oo ballan qaaday in uu furayo xisbiyo cusub, taasina ay noqon doonto xalka kaliya ee lagu soo afjarayo khilaafka muddada dheer soo jiitameyey ee doorashooyinka Somaliland.

Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.

Siyasadda arrimaha dibadda ayuu madaxweynuhu darsay, wuxuuna qiray in ururka Midowga Afrika uu haatan diyaar u yahay dhagaysiga qadiyadda Somaliland.

Sidoo kale dalalka Turkiga, Swden iyo kuwa kale oo uusan carab baabin ayuu sheegay inay daneynayaan sii amba qaadida wadahadalla Soomaaliya iyo Somaliland.

“Dowladaha Turkiga iyo Sweden waxa ay la xiriireen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka dalbadeen in aanu dhinacna uga harin sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu markale yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Shaqo la’aanta.

Ugu dambeyn khubadda uu jeediyey Muuse Biixi Cabdi wuxuu kaga hadlay shaqo la’aanta heysata dhalinyarada Somaliland iyo daruufaha adag ee ay wajahayaan, wuxuuna shaaciyey in xukuumaddiisu ay sameysay sanduuq gaar ah oo lagu horumarinayo dhalinyarada oo haatan ay ku bixiyeen lacag dhan 200,000 oo Dollerka Mareykanka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this