Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Weriye ka tirsanaa Al-shabaab iyo horjoogayaal kale oo la xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah min 10-sannadood oo xabsiya ku ridday, laba xukmane oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Cabbduqaadir Suufi Muunye iyo  Saciid Cumar Cabbdullaahi, ayaa maxkamaddu sheegtay in ay Al-shabaab wakiil uga ahaayeen tuulada Mareeray oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad, Cabbduqaadir Suufi Muunye oo magaciisa Af-garashadu yahay Amiir Gaabow, ayaa Al-shabaab ugu magacownaa horjoogaha  tuulada Mareeray, halka eedeysanaha labaad Saciid Cumar Cabbdullaahi uu qaabilsanaa xagga uruurinta baadda ay Al-shabaab ka qaaddo bulshada ku nool tuuladaas.

Dhinaca kale, maxkamadda ayaa 8-sannadood oo xabsiya ku ridday Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa af-garashadu yihiin Tabliiq Luqmaan, kaasi oo lagu helay in uu ka tirsanaa weriyaasha Al-shabaab.

Halkaan ka akhriso xukunka oo faahfaahsan

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Weriye ka tirsanaa Al-shabaab iyo horjoogayaal kale oo la xukumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this