Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Booliska Somaliland Oo Shaqada Ka Ruqseeysay Askari U Gacan Qaaday Qof Dumar Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaqada ka Eryay saddex alifle Mahad Cabdi Cismaan, kadib markii maanta qof Dumar uu ugu gacan qaaday badhtahama Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

dabagale.png

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadam Saqadi ayaa waxaa lagu shaaciyay in shaqada laga ruqseeyay Mahad Cabdi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo sameeyay tallaabo xad-gudub ah.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Booliska ay yihiin saaxiibka dadweynaha, isla markaana Taliska sare aanu aqbalaynin ficilada noocan oo kale.

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaal kooban oo laga soo duubay saddex alifle Mahad Cabdi Cismaan oo badhtamaha Magaalada Hargeysa ku dharbaaxaya Gabadh dhalinyaro ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this