Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ruqseysay Askari u gacan qaaday qof dumar ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1581942991952.jpg?w=1000&ssl=1Taliyaha Booliska Somaliland, Gen. Maxamed Aadan Saqadhi

Somaliland ayaa ruqseysay Askri Booliis ah oo dharbaaxo la dhacay qof dumar ah oo ku nool magaalada Hargeysa.

Qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga ee hoggaanka Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in la ruqseeyay saddex Alifle Mahad Cabdi Cismaan, oo u gacan daaqay qof dumar ah, isagoo xiran sharta ciidanka Booliska.

Saacaddo ka hor waxa baraha bulshada la soo galiyay saddex Alifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumara. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa anaga oo ka duulayna in boolisku yahay saaxiibka dadwaynaha in la ruqseeyay asakarigaa xad gudubka sameeyay isagoo xidhan sharftii Ciidanka Booliska Somaliland. Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.

Baraha bulshada ayaa maanta la soo dhigay muuqaal magaalada Hargeysa lagaga duubay askari xiran dareyska ciidanka Booliska Somaliland oo dharbaaxo la dhacaya qof dumar ah.

Balse Booliska Somaliland ayaa saacado ka dib sheegay in uu raqseeyey askarigaas xadgudubka sameeeyey.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ruqseysay Askari u gacan qaaday qof dumar ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this