Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo Hubeysan Oo Dil Iyo Dhac Ka Geystay Duleedka Degmada Warsheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan maanta ka helayno gobolka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in tuulo lagu magacaabo Gumarow oo hoostagta degmada Warsheekh ay kooxo hubeysani dil iyo dhac ugu geysteen dad safar ahaa.

Dhacdadan oo dhacday xalay ayaa waxa ay qabsatay dad ka baxay magaalada Muqdisho kuwaas oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha Dhexe, balse kooxo hubeysan ayaa waxa ay jidgooyo ugu dhigteen Tuulada Gumaro, waxa ayna dadkii kula dhaqaaqeen dil, dhac iyo kufsi.

Ilyaas Coloow Muuse oo ka mid ah dadka deegaanka islamarkaana u waramay Goobjoog News ayaa waxa uu inoo sheegay in dadka dhibaatadu ay gaartay ay tira ahaan gaarayeen ilaa 18 qof waxa uuna inoo xaqiijiyay in la dilay darawalkii gaariga kaxeynayay waxa uuna sidoo kale tilmaamay in halkaasi kufsi loogu geystay gabadh ka mid ahayd dadkii gaariga saarnaa.

Sidoo kale goobjoogahan ayaa inoo sheegay in dhamaan dadkii gaariga saarnaa laga furtay xoolohii ay heysteen, waxa uuna xusay in goor dhaw ay meydka goobta ka qaadi doonaan, maadaama dadkaasi ilaa saakay aysan helin wax gurmad ah.

Maamulka degmada warsheekh oo ay tuuladan hoostagto wali kama aysan hadlin dhacdadan loo geystay dadkan safarka ahaa.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa qeylo dhaan xoog leh laga muujinayay amni darro baahsan oo ka taagnayd tuullooyinka hoosyimaada degmada warsheekh ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this