Emperor Posted December 30, 2007 Tragic incident, I never believed khat could make pple act like that, waa in laga cararaa marqaamiinta markaas... Be warned, stay away from Qat chewers... Nin Somali oo xaaskiisa dilay kadib markuu mooday iyada waraabe Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacday arin murugo iyo naxdin ku abuurtay shacabka deegaanka,kadib markii uu Nin marqaansan xaaskiisa dilay,isagoo muuqaalka xaaskiisa u qaatay inuu Waraabe yahay ama (Dhurwaa) sida ay Soomaali qaarkood u taqaan (Hyena) Booliiska degmada Ceel-afweyn ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku-dhiiglihii dilay xaaskiisa,waxaana hada socota baaritaano ku aadan sababta ku keliftay Ninkan muqayilka ah inuu qudha ka jaro Xaaskiisa. Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay amakaag iyo yaab ku noqotay dadka ku dhaqan deegaankaas,qisadan murugada leh,waxayna dadka is-weydiinayaan sababta Ninkan marqaansan ku keliftay inuu qudha ka jaro xaaskiisa,kadibna yiraahdo waxaan u qaatay inaan dilay Dhurwaa doonayey inuu nafteyda halis-geliyo,maadaama xaraarada marqaankiisu tusay inay xaaskiisu oola muuqato dhurwaa naftiisa halis-galinaya. Waxaa xusidan mudan in qisadan oo kale ay ka dhacday Magaalada Kismaayo sanadadii 80-kii,kadib markii nin ka ganacsada hargaha Shabeel uu dilay xaaskiisa oo u sheekeyneysa,kadib markii uu mooday in dabinkii uu dhigay ee shabaqa uu soo galay Shabeel,waxaana markii dambe sida ay Soomaali fara badan xasuustaan Ninkaan laga cafiyay in la dal-dalo oo la dilo,waxaana la xukumay bedelkii in lagu xukumo 50-sano ah oo xabsi ah,maadaama uu ku dooday arin macquul ah waagaas. Qisadan muragada iyo naxdinta leh ayaan weli aysan ka hadlin ciidamada Booliiska ee Degmada Ceel-afweyn,marka laga reebo wararka aan ka heleyno Suxufiyiin ku sugan deegaanka. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
umu zakaria Posted December 30, 2007 Tragic indeed. Waxaan ka naxsanahay sida uu wali khaadku bulshadeena siiba ragga u dilooday. Ngonge Stay away from khaat. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted December 30, 2007 Yeah, right. I doubt whether this is true but if it is, then using Khat as an escape goat is an old cliche'. The man most probably had ulterior motives, and should be a man enough to bite the bullet for his crime. Mirqaan, my futto. Quote Share this post Link to post Share on other sites