Sign in to follow this  
SOO MAAL

Dhulkayagu sabool maaha!

Recommended Posts

SOO MAAL   

Insha allaah, Illaahay somalia dad iyo dalba ilaahay ha barakeeyo

amiin amiin amiin

 

Dhulkayagu sabool maaha!

 

 

Dadka soomaaliyeed qaar badan ayaan ogeyn Hodantimada dhulkeenna. Iloowsanna

in meelkasta oo colaad iyo abaar isku raacaan in laga qaxaayo, markasna

saboolnimo dadkii iyo dalkiiba lagu tilmaamayo. Haddaba Abwaansoomaaliyeed ayaa

hees ka qorey hodantimada iyo Hiddaha soomaaliya. Inkastoo heeso badanquruxda dhulkeenna

heeso badan laga qoreyney, aniga heeskani waxa uu ila yahay mid ka mid ah kuwa ugu fiican.

Heeskan waxaa qorey Abwaan Maxamed Tukaale Cusmaan.

Abwaan Tukaale waxa uu alifey riwaayado badan iyo heeso aan la soo koobi karin.

Heeska la yiraahdo "dhulkayagu sabool maaha" waxaa ku luuqeyn jirey Allaha uxariistee

Cabdi Sallaad "Beerdilaacshe"

 

 

Dhulkayagu sabool maaha

saxro iyo abaar maaha

seben xumaadna kama dhicin

xidig-seermaweydiyo

sanad walba waa Kheyr

satigiyo Dhiilahaan

Kasoofeen ku shubanaa

Haamaha la saabshaa

Subagana ku lulanaa

Sidig baanu maalnaa

Sumal baanu qalanaa

Sedbuursi ka faankiis

Soomaali haddaan nahay

Sinji baan u leenahay.

Dhukayagu sabool maaha

Siigiyo dabeyl malaha

Saxansaxiyo waa Doog

Sagal iyon daruur iyo

waa seymo roobaad.

Xarig baa la soohaa

Aqal baa laga sameeyaa

Surrad baa la duubaa

Waxa lala sugaa Gabar

Xushmo sooryo gobanimo

Soomaali haddaan nahay

Sinji baan u leenahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

nomads plz contribute to this thread, I am interested to know more about the blessings of Allah to our beloved country Somalia from Djabouti to Garisssa

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Bro Dhubad

 

Thanks, Gedo is really a beautiful paradise

Although there is drought in that region presently, but Allah can make again green and blessed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this