Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulista Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Koonfur Galbeed oo socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Guddiga soo xulista xildhibaannada cusub ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed Maxamed Keerow Maxamed oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay meel fiican marayso soo xulista xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay  in wada shaqeyn buuxda ay la leeyihiin Odoyaasha dhaqanka oo beelaha deggan Koonfur Galbeed ee ay kasoo dhex xulaya Xildhibaanada.

Mudane  Keerow  Gudoomiyaha Guddiga soo xulista Baarlamaanka Labaad ee Koofur Galbeed waxa uu ku baaqay in aysan dhibaato keenin kuraasta Xildhibaanada maadaama ay ku loolamayaan shaqsiyaad kala duwan oo mid kasta kuraasta raadinayo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa horay Odayaasha dhaqanka ugala hadlay sidii ay usoo xuli lahaayeen Xildhibaanno ka tiro yar kuwa waqtigooda dhamaaday.

PUNTLAND POST

The post Xulista Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Koonfur Galbeed oo socota appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this