Alle-ubaahne Posted February 5, 2006 Waa kan Abwaan Cumar Cabdinuur Nuux, oo loo yaqaan Nabaddoon oo si xikmad leh u meerinaya gabaygiisa cusbaa ee diinta iyo Rasuulkeena CSW lagu difaacayay, wuxuuna yiri: Qore: Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon Tan iyo markii warsidaha JyllandsPosten ee ka soo baxa dalka Denmark uu aflagaadada u geystay Nabi Muxamed CSW waxaa isa soo tarayey carada dadka muslimiinta ah ay ka muujiyeen arrintaas iyada ah iyo indha-adeyga iyo dhaga-adeyga ay ku sii indhacad yihiin qolooyinka aan iimaanka lahayd ee Ilaah iyo nabiyaduu soo diray oo dhan ku gaaloobay. Markii dadka reer Yurub intooda badan uu ka dhintay damiirkii, ayna kala garan waayeen wanaaggii iyo xumaantii ayey waxay ku dhiirradeen in ay wax ka sheegaan cid kasta xataa Ilaahii abuuray iyo rusushii uu soo dirsaday. Waxaase iyaduna yaabka yaabkiis noqotay markii in yar oo markii hore muslim sheegan jiray ama ahayd ay u sacabtumeen weerarkaan qaawan ee asalka iyo jiritaanka diinta Islaamka iyo dadkeeda lala beegsaday. Arrimahaan oo dhan waxay u dhacayaan si ula kac ah oo kibir iyo ogaan ah, waxaase hubaal ah in sida dad badan moodayaan uusan xaal ahaan doonin. Alalaasihiyo qooqa iyo, eegga waxa taagan Anbiyada Ilaahay kuwaan, ku afxumoonaaya Aflagaadadaan Nabuyallaah, lagu ihaaneystey Ayaan doonayaa gabay waxuun, kaga iraahdaaye Ujeeddadu ka weyn meelahay, ku agwareegeene Oo xorriyatul qowl iyo ma aha, aragti Joornaale Waxba yaan oraahyada maldahan uunka loo tabine Waa aabi iyo weerar tani, laysu urursadaye Afka Faransa Isbayn iyo Hangari ways ayidayaane Denmark Itaaliya Jermani waysu ololeene Dhammaan Urubba oo wada jirtaa aabigaan wada’e Iska celiya ama ooya waad agabsan doontaane Awal hore miyaan mooganeyn, uurka waxa jiifa Sawtii Ilaahay ku qoray aayadaha diinta Oo nala ku yiri waxay rabaan inaad riddowdaane Iska eega iyagiyo Ibliis waa ilma adeere Afartaas ummuuraha dhiciyo, ibofurkoodii dhe Ummaddaan Islaamkaa miday, wada arkaayaan dhe Ubucdii murtida oon qaddimay, erayadaydii dhe Afar kale addoon aan ogahay, midaan ogeysiin dhe Abuu jahal sidiisii haddaad, nabi ijaafeysay Ilaahay rasuulkiis haddaad edebdarrow maagtay Iftadaadi waxaa loo gudbiyey ururro waaweyne Isku awd guryaha ama ku biir inantii aad sheegtay Islaamnimadii diidaye lasoco, iilka waad mudane Uluuf iyo uluuf weyraxdaa oodda soo jabine Erayadaad qoreysaad kolley, aakhirkaw dhimane Albaabada xirxiro maalin dhow waa laguu imane Quote Share this post Link to post Share on other sites