Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ugu Yaraan 8 Ayaa Dalka Uga Cararay Cabsi Ay Ka Qabaan Noloshooda…” Amnesty International

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay waajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xadhig.

Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta.

Hase yeeshee xaaladda ayaa iminka kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay “Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.”

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka waajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya.

Sida warbixinta ay tidhi, ugu yaraan 8 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan 8 kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda.

“Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xidho si sharci-darro ah, suxfiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yidhi Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladda Soomaaliya weli jawaab kama bixin eedeymaha ka dhanka ah ee lagu sheegay warbixinta Amnesty.

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this