Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga bixiyey kulankii Axmed Madoobe, Yamamoto iyo Jeneral Townsend + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya danjire Donald Yamamoto iyo taliyaha howlgalka AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend.

Sida lagu sheegay qoraal kasooo baxay Jubaland, danjiraha iyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda ka taagan gobolka Gedo iyo “duulaanka gardarada ah ee dowlada federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga dowladu ay halkaas weerarka ku qaaday ay ka jirtay xaalada adag.”

Qoraalka Jubaland ayaa intaas ku daray “Waxaa la isku raacay in dowladu ay halkaas kala baxdo ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray gobolka Gedo.”

Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in Axmed Madoobe iyo wafdiga Mareykanka ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlad goboleedka Jubaland iyo dowlada federaalka ah, la iskuna raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta dowlada federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray madaxweyne Axmed Madoobe iyo taliyaha howlgalka AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubaland.

Howlgalkaas, ayaa sida la sheegay, waxaa si wadajir ah ay u fulinaya ciidamada dowlad goboleedka Jubaland, Ciidamada Xooga Dalka iyo Amisom oo ay tageerayaan ciidamada howlgalka AFRICOM ee Maraykanka.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, weli war rasmi ah kama soo saarin socdaalka danjire Yamamoto ee Kismaayo.

86269242_1790310214436243_69561206574153 84958609_1790310207769577_26731454684515 85046188_1790310437769554_70443126139283 84261395_1790310314436233_51455558520940 86351844_1790310397769558_26160347299708 85046188_1790310514436213_59062945814140

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this