Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay UNESCO

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dhaqanka iyo waxbarashada ee (UNESCO) ayaa kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo hidaha iyo dhaqank, kaas oo sare loogu qaadayo waxbarashada dalka.

Maareeyaha UNESCO, Audrey Azoulay ayaa sheegtay in dhaqanka iyo waxbarashada ay muhiim u yihiin dhinacyada soo kabashada aadanahaiyo dhisida nabadda.

Booqashada maareeyaha guud ee hay’ada UNESCO ay ku timid Soomaaliya oo ah midii ugu horeysay ayaa tilmaantay in ay ku faraxsan tahay furitaanka bogga cusub ee dhinaca iskaashiga ah ee dhexmaraya  UNESCO iyo dowladda Soomaaliya

Wasiirka waxbarashada iyo hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre oo saxiixay heshiiskan, isagoo matalaya dowladda federaalka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo hay’ada UNESCO ee Qaramada Midoobay ay leeyihiin iskaashi fog, islamarkaana dib soo celinta xiriirka labada dhinac uu saamayn ku yeelanayo waxbarashada iyo sidoo kale dhaqanka Soomaaliya.

Sidoo kale ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan.

Si kastaba ha ahaateenheshiiskan ayaa la filayaa inuu keeni doono in la qabto tababaro lagu dhisayo mugga xirfadleyda, gaar ahaan dadka maamulaya madxafyada iyo keydadka raadadka taariikheed ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this