Deeq A. Posted February 12, 2020 Danjiraha Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta gaaray magaalloe xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Yamamoto ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend iyo xubno kale. Wafdigan ayaa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo dhowaan dib ugu laabtay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan labada dhinac kulamo xasaasi ah ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi. Safiirka Mareykanka oo marar badanku laabtay Kismaayo ayaa dadaallo ku bixinaya, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya, Axmed Madoobe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites