Sign in to follow this  
Deeq A.

Maqaamka Muqdisho oo dood adag laga yeeshay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa maanta qabatay dood adag oo ku saabsan maqaamka caasimada oo in muddo la’isku hayo.

Dooda oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Inta badan xubnahaan ayaa ka doodayey dardargalinta dhismaha maqaamka caasimada iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista dastuurka Waranka.

Cumar Filish oo ka hadlay madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey aragtida dadweynaha caasimadda ee ku aadan arrintaan, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay in ay hesho xaquuq la mid ah kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

“Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in ka badan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka caasimadda waxaana aragtida dadweynaha ka mid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib-udhiska Caadimadda iyo in magaaladu ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii ay caalamka ku laheyd”. ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo dooda qeyb ka ahaa ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda maqaamka Muqdisho, wuxuuna sheegay in marka hore loo baahan yahay in la xaliyo tabashada ay qabaan dadweynaha degan caasimada.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaaradda dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka magaalada Muqdisho”. ayuu yiri wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo ka qeyb galay qabashada doodadaasi.

Ugu dambeyn wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo wasaaradiisu ay soo qaban qaabisay dooda ayaa carabka ku adkeeyey in ujeedka dib-u-eegista dastuurka ay tahay mid la doonayo inay ku wada qanacsan yihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho”. ayuu yiri wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya.

Maqaamka Muqdisho oo muddo ah la’isku hayo ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan la’isku diyaarinayo doorashada guud ee dalka oo la filayo in la qabto sanadka dambe ee 2021ka.

86501539_2496349870603757_41260971061359 84983258_2496350377270373_46007968546978 85007852_2496350240603720_37438378227217 85023820_2496349913937086_41052421794656 86218006_2496350577270353_64427936351455Dood.jpg 84914873_2496350097270401_15946522338011

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this