Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sheikh, The Right Place for a Relaxing Holiday

Recommended Posts

SDWO (Sheekh 04/10/08) Sheekh waa magaalo ku taal dhul buuralay ah oo ay ku wareegsanyihiin buuro dhaadheer,waxaa ku taal Buurta Sheekh oo aad moodo jidkii siraad marka aad hoos marayso oo indhahaagu hadba dhinac daymada buurahaas dhaadhee ay ku dawakhayaan sidda layaabka leh ee loogu sameeyey laamiga ku wareegsan ee kala sareeya.

 

magaalada Sheekha waxaa a ku taal badhtamaha Somaliland oo ah saddex gobol dhexdood oo istaraataji ah.magaalada Sheekh taariikh ahaan waa magaalo qadiimi ah oo ay ku duugan yihiin aataar qadiimi ah,iyadoo ay jiraan goobo caana oo ku yaal duleedka magaalada oo ay ka muuqdaan taariikh ka turjumaysa raadka fog iyo taariikhda soo jireenka ahaa ee magaalada Sheekh,waxaana ka mid ah goob caana oo loo yaqaan FARDOWSA.

 

magaalada Sheekh waxaa ay caan ku tahay dhinaca waxbarashada,taas oo badhtilmaameed u ahayd dadyowga af-soomaaliga ku hadla oo dhan,waana goob ay ka qalin -jebiyeen ileyska iyo aqoonyahano badan oo Somaliland iyo Somalia-ba u dhashay,waxaana lagu tilmaamam shamacii aqoonta,waxaa wax ka soo bartay kumayaal dad oo dalka magac iyo maamuusba ku leh.

 

waxaa xusid mudan in hoosta laga xariiqo in Sheekh ahayd Caasimadaii ugu horeysey ee Somaliland iyo xaruntii maamulka ee wakhtigii guumaystihii Ingiriisku dalka joogay.

magaalada Sheekh waa goob ku wacan dhinaca dalxiiska oo markasta ay niyadaadu jeclaysanayso cagaaka dulsaaran Buuraha ku wareegsan magaalada oo u muuqda qaar aan wakhti keliya isbedlin,waana dhul cimilo ahaaan qabow u badan isla markaana nasiib u helay in roobab badan oo dalka intiisa kale aan ka di'ini ay helaan inta badan,runtiina waa goob muuqaalkeeda billicsani uu soo jiidan karo dalxiisayaal badan.

 

dhinaca wax soo saarka magaalda Sheekh waxaa ku yaala beero ay ka baxaan qaybaha kala duwan ee midhaha iyo wax-saarka kaleba,hase yeeshee waxaa ay Sheekh caan ku tahay saytuunka oo reer Sheekh ay aad u beertaan.

 

magaaladda Sheekh waxaa ay aad u dareemaysaa baahi badan oo dhinaca caafimaadka ah,iyadoo ay hoos yimaadaan 23 tuulo kuwaas oo qofkii ku dhaawacma loola cararo Berbera ama Burco,iyagoo u cadilan,waxaana ku yaal Cisbtitaalkii caanka ahaa ee looga iman jirey Gobbolada Somalia,hase yeeshee wakhtigan aan shaqayn badankiisana lagala baxay alaabooyinkii qaaliga ahaa ee yaalay,isla markaana qaybo badan oo ka mid ah degan yihiin reero.

 

Dawladda Somaliland ayaan iyadu mar qudha muujin dareen ama dhaqdhaqaaq wax lagaga qabanaayo Cisbitaalkaas weyn ee aan shaqayn,siddoo kale dadweynaha Deegaankaas ee gudaha iyo debbedaba ayaanay haba yaraatee ka muuqan wax dedaala oo ay ugu jiraan siddii loo hawl-gelin lahaa Cisbitaalka.sidda ay ii sheegeen dadweynaha ku dhaqan magaaladu waxaa wakhtiyadii hore cisbitaalka gacanta ku hayn jirey dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee IMSF iyio dawladda Ruushka.

 

 

DSC00056.jpg

DSC00049.jpg

DSC00051.jpg

Sheekh.JPG

Sheekh1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

looks lovely. Can I buy land there, J? Ii soo baayic, smile.gif

 

I have to get over the paranoia first. I went round and round Sheikh when I was a child and I was convinced we would drop off the edge and die. Didn't help that the adults were pointing to vehicles that had fallen off edges.

Share this post


Link to post
Share on other sites

looool ,, yes you can buy a good land and it is not expensive weliba.

 

I'm thinking of buying some very soon Insha Allah ,,, i'll make it a place for all SOL members ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this