Deeq A. Posted February 10, 2020 Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqyadda ciidan ayaa laga sameeyay Waaxyadda koowaad iyo 2aad ee degmada Dharkeenley ee caasimadda waddanka. Inta la xaqiijiyey 14 qof ayaa lagu soo xiray howlgaladda. 13 kamid ah dadkaas waxaa lagu sheegay burcad dadka dhici jirtay. Midkood ayaa lagu tuhunsan yahay fal dil ah oo loo geystay wiil afar sano jir ahaa, sidda ay tilmaameen saraakiisha ammaanka. Howlgalka lagu soo qabtay burcadda ayaa noqonaya midkii ugu tiradda badnaa oo ciidamaddu ka sameeyaan qaybo kamida Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites