Deeq A. Posted February 10, 2020 Mid kamid ah macallimiinta Iskuulada Muqdisho oo Shabaabnimo lagu helay Sadax sano ayuu wasiir ahaa goodax, imtixaankii iyo deeqaha waxbarashada waa suuq madow maahan wax qarsoon arintaas ( ugu yaraan baar imtixaankii iyo deeqdii waxbarasho (2019 ). Iskuulada inta badan waxay ku jiraan gacanta alshabaab ama dalado ka awood badan Goodax mana galaan imtixaankiisa fashilan. Ma jiro hal school oo gacantiisa ku jira. halka Puntland ugu yaraan 1,000 school oo dowli ah( Public) oo si buuxda ugu jira gacanta dowladda waxay leeyihiin siyaasad,manhaj iyo imtixaan tayeesan oo midaysan. Puntland dowladda waxay miisaanyaida Waxbarashada uqoondaysay 8% dakhliga Dowladda ma helno 1$ oo ku wajahan arimaha bulshada iyo amniga dhanka DFS. Sidoo kale, Waxaan leenahay jaamacaddo tayo iyo khibrad wanaagsan leh kuna filan ardayda kasoo baxday Dugsiyada Sare. Puntland oo tiir dhexaad ka ah dowladda Federalka Soomaaliya in la dhaho nidaamkeeda waxbarasho ma aqoonsanin waana SHAHAADO SUUR !! macnaheedu waa dagaal qaawan oo lagu hayo nidaamka Federaaliga ah iyo tastuurka qaranka. Soo burburi imtixaankaaga iyo systemka waxbarasho ee waqti, kharash aan qiyaas lahayn lagaliyey oo ah midka ugu wanaagsan Soomaaliya sida ku cad warbixinada hayadaha qiimeeya waxbarashada Soomaaliya marna suurtagal noqon meeso hana ku riyoon goodaxow. WQ: Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, Wasiiru-dowlaha Wasaraadda Maaliyadda Puntland The post Iskuulada Xamar waxay gacanta ugu jiraan Al-shabaab! appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites