Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan magaalada Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa soo qoray in xiisad sare ay ka jirto magaalada Mandera ee dalkaasi, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidanka Soomaaliya ay ka soo muuqdeen xadka kala qeybiya labada dal, iyado la sheegayo in ay qorsheynayaan in ay weeraraan hotel ku yaalla Mandera oo la sheegay in uu ku jiro wasiirka amniga Jubbaland oo ay doon dooneyso dowladda Soomaaliya.

Inta badan dadka deeganada dhaca xadka ee dhanka Mandera ayuu wargeysku sheegay inay u qaxeen xaafadaha ehaladooda ee qeybaha kale ee magaalada.

Sidoo kale Cumar Maalin oo ah xildhibaan laga soo doortay dhanka bari ee Mandera oo la hadlay warbaaginta  ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay xirto Janan, kuna wareejiso dowladda Soomaaliya, ama ay ka saarto isaga iyo ciidankiisa magaaladaasi.

“Ma garanayo waxa ay dowladda ka faa’ideyso dambiile la raadinayo, waa in dambiilahan la xiraa oo loo dhiibaa Soomaaliya ama waa in laga saaraa Mandera”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda laga dareemayo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this