Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo u duulay Addis Ababa, xili uu ku sugan yahay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15812630655186444.jpg?w=1000&ssl=

(Hargeysa – PP) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Muuse Biixi ee Addis Ababa waxaa warbaahinta uga warbixiyey Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in madaxweynaha Somaliland uu halkaas kulamo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in magaalada Addis Ababa uu horey ugu sugnaa Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaas ka waday hawlo diblumaasiyadeed.

Muuse Biixi waxaa safarka Addis Ababa ku wehelinaya qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.

Magaalda Addis Ababa ee tegay Muuse Biixi, waxaa shir ugu socdaa Urur Goboleedka IGAD, waxaana ku sugan Madaxweyne Farmaajo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Afrika ee Addis Ababa ku sugan ay kulan siin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi oo u duulay Addis Ababa, xili uu ku sugan yahay Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this