Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamada DF oo hal sabab darteed aan bishan ku qaadan mushaarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale diiwaan gelin ku billawday ciidamada dowladda Soomaaliya oo hore loo diiwaan geliyay.

Bishaan oo mareysa sagaal ayaa illaa hadda waxaa mushaar qaadan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in aysan bishaan qaadan doonin, iyadoo sababta lagu sheegay amar ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Amarkan ayaa lagu faray madaxda ciidamada in ay dib loo diiwaan geliyo ciidanka oo dhan, taas oo qaadan karta billooyin kale.

26-kii bishii hore ilaa hadda kaliya waxaa la diiwaan geliyay ciidanka ilaalada madaxtooyada, waxayna mushaar la qaadan doonaan ciidanka kale oo diiwaan gelintooda wali billaaban.

Ciidanka ayaa laga qaadayaa faro, sawirro, taariikhda dhalashada iyo xogo kale, lamana oga sababta dib loogu celinayo tirakoobkaan.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ujeedku yahay in bishaan aanan mushaarin la siinin ciidanka xaquuqdoodana lagu dhaafiyo diiwaan gelin kale oo waqti lumis ah.

“Diiwaan gelin cusub ayaa la billaabay waxbana kama badalna tii hore, ma naqaan sababta laakin waxaa maqalnay in aysan dowladda mushaar bixin rabin, warar kale ayaa sheegaya in laga dhax raadinayo ciidan iyo saraakiil da’da gabowga gaaray, si mushaarka looga hakiyo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Ciidanka Soomaaliya oo dhamaantood bishaan ku tashanayay mushaar kordhin ah 70% ayaa hadda maraya ” yaa mar na siiyaa intii hore.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this