Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal oo khudbad ka jeediyey shirka baarlamaanada carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa magaalada Amaan ee caasimada Jordan uga qeyb galay shirka baaralamaanada carabta aduunka.

Shirka ay yeelanayaan baaralamaanada carabta aduunka oo lagu qabtay magaalada Ammaan ayaa waxaa looga hadlay qorshaha uu saxiixay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ee uu ku tilmaaamay heshiiska qarniga

Gudoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa inta uu shirka socday khudbad u jeediyay kasoo qeyb galayaasha shirka,isagoo tilmaamay in aysan jirin sabab loogu baahanyahay waxa loogu yeeray heshiiska qarniga ee uu madaxweynaha Mareykanka saxiixay.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali karin qorshe lagu cuuryaaminayo reer Falastiin oo uu sheegay in ay sanado badan dhibane u yihiin Israel.

Shirka ayaa marka uu dhamaaday waxaa laga soo saaray war-murtiyeed, kaas oo warbaahinta u u aqriyay xildhibaan Cali Jaamac Jingili  oo qeyb ka ahaa xildhibaanadii shirka ka qeyb galay ee la socday wafdiga  gudoomiyaha baaralamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/maxamed-cabdi-qani.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this