Sign in to follow this  
Abu-Salman

Somali Technology: FM radio Transmitter synthetic Oxygen!

Recommended Posts

Keyse Axmed jama is a young Somali in Hargeysa that assembled an expensive telecommunication item

and syntesised oxygen from water, all without sophisticated machine tools and by sheer dedication.

 

Due to the sensivity of the Media technology issue (that could be used for propaganda purposes towards a largely illiterate population), he faced

arrest; is there not a way to encourage innovation while controlling it?

 

In the piece below, the author (a relative of mine ) lament his arrest and interdiction to build a similar media technology as well as the more general local picture he terms as state-sponsored oppression as well as the more general local picture that may explain the broadening appeal of Kulmiye's as an alternative to the current Udub, whether this is justified or not:

 

 

 

 

Ilmo aan Hooyo Hadal barini Hadaaq ma dhaafo

 

Qalinkii: Aadan Jaamac Xadi

 

 

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

(London 19/06/07) Ilmuhu marka uu yaryahay intaanu hadalka baran horta wuu hadaaqaa. Ka dibna waxaa taageero iyo dhiirrigelin hagar la’aan ah siiya hooyada iyo inta kale ee barbaarintiisa ka qayb qaadata sida aabaha iyo ehelada kale ee hareera joogta. Markaas ayuu hadaaqii hadal u beddelaa oo erayo la fahmi karo ku dhawaqaa. Haddiise ilmahaa hooyadii dhashay iyo intii ka agdhoweyd hadalkaba kala dagaalamaan, weligii halkaa ma dhaafo.

 

Waxa taa ka dhigan, haddii maanulka ummad hoggaamiyaa dhiirri gelin waayo fikirka iyo dedaalka aqooneed ee bulshada, horumar lama gaadhayo dalkuna halkaa ma dhaafo. Maantana waxaa muuqata iska daa dhiirrigeline, in cadaadis iyo cabbudhin xad dhaaf ah oo aan la garanayn waxa loola gol leeyahay lagula kaco inta tirada yar ee ilaahay hibada u siiyay fikir iyo farsamo aqooneed oo keeni kara horumar cusub oo bulshada waxtar u leh.

 

Waxaan dhowaan dhegaystay barnaamij laga siidaayay idaacad la yidhaa Radio Waaheen oo internet-ka ka soo gasha, waxa halkaa lagu waraystay nin dhallinyar ah oo reer Hargeysa ah oo la yidhaa Kayse Ahmed Jama.

 

Kayse wuxuu dedaal muddo dheer soo socday, ku gaadhay kana midho dhaliyay inuu abuuro qalab tiknoolojiyeed casri ah oo u dhigmi kara kuwa maanta adduunkan lagu isticmaalo ee soo saaristooda kharash aan la qiyaasi karini ku baxo. Qalabkaas oo heerar kala duwan soo maray, waxaa ka mid ahaa warlaliyaha idaacadda ee loo yaqaan ‘Radio Transmitter’ nooca FM. Idaacaddaas oo markii uu tijaabiyay wada gaadhay magaalada Hargeysa. Waxaynu wada ognahay in idaacaddu ka mid tahay baahiyaha ugu waawayn ee maanta dalkeena haysta oo weliba muddo dheer la hadal hayey. Waxyaabaha kale ee aan aad ula yaabay waxaa ka mid ahaa inuu neefta oxygen-ka kala soo baxo biyaha caadiga ah, isagoon laboratory iyo qalab casriya haysan.

 

Waxa wax lagu farxo ah in aynu leenahay dad Kayse oo kale ah oo aan weliba intooda badan la ogayn. Waxaase naxdin leh waxa Kayse loogu abaal guday iyo sida dawladdeena Somaliland ula dhaqantay.

 

Kayse wuxuu waraysigaa ku sheegay in markii uu ku guulaystay tijaabinta idaacadda aanu farxad awgeed seexan habeenkii oo dhan. Ka dibna maalintii dambe ayaa askar booliis ahi ugu yimaadeen goobtii shaqadiisa, isla markaana waa la xidhay. Waxa taa ka sii daran, in markii uu xidhnaa ay saraakiishii booliisku u sheegeen inaanu wax qalab ah oo dambe abuuri karin, idaacad iyo midkale toona. Waa yaab….! Askartu ma dalkan iyo dadkan ayay u shaqeeyaan mise cid kale ayay u adeegayaan oo ay danahooda fuliyaan? … Malaha waa ka farsamo xumo uun!!!

 

Kayse wuxuu inoo sheegay inaanu habeenkii seexan markii uu tijaabada idaacadda ku guulaystay, aniga qudhayduna maan seexan habeenkii aan warkiisa dhegaystay. Balse labadayadu waxaanu ku kala duwanayn, isagu farxad buu la gam’i waayay aniguse waxaan la seexan waayay dareen cadho iyo murugo aan waraysigiisa ka qaaday. Waxaan filayaa inaanu Kayse habeen labaadkiina seexan, markan werwer iyo cadho darteed.

 

Anigu aqoon uma lihi Kayse, weligayna maan arag, laakiinse wuxuu iiga dhigan yahay nin u taagan qofkasta oo muwaadin ah oo karti iyo aqoon eebe ku manaystay oo waxtar soo kordhin lahaa oo halkii laga taageeri lahaa, xadhig lagala hortagey.

 

Arrintani waxay i xasuusisay sheeko aan yaraantii maqli jiray oo odhanaysa ‘Waqtigii Boqortooyada Ingiriisku ka talinaysay Somaliland ayaa waxa dhacday in nin caqli badan oo birtume ahi sameeyay qori hub ah oo shaqaynaya. Ka dibna taliskii Ingiriiska ayaa ninkii qabtay oo gacmaha ka jaray si aanu wax dambeba u samayn’.

 

Haddaba waynu wada garan karnaa in maamulkaa gumaysigu ujeeddo gaar ah oo weliba qoto dheer arrinta ka lahaa . Balse ujeeddada dowladeenu arrimahan ka leedahay, horta anigu maan garan. Miyaanse ummadani Ingiriiskii ilaa maanta marnaba cabbudhin iyo curyaamin ka dhamaanayn maskaxdana ka xoroobayn. Waa halkii abwaankiiye, ‘Miyaan Geeddi Baaboo arladu gellinna waayeynin.’

 

Dowladaha horumarka daneeyaa malyuunaad ayay ku bixiyaan cilmi baadhista iyo sidii loo maali lahaa loogana biyo dhiijin lahaa dadka Kayse oo kale ah ee lagu tuhmo inay cilmi iyo farsamo cusub bulshada ku soo kordhin karaan. Innaga kuweenu waxay u muuqdaan inay horumarka iyo aqoontaba la dagaallamayaan.

 

Talobixin

 

 

 

1. Dawaddu ha magacawdo cid u xilsaaran horumarinta iyo hagista aqoonta bulshada. Ciddaas oo kala badbaadin karta isku dhaca dadka hal abuurka ah iyo hay’adaha nabadgelyada oo iyagu arrinta dhinac kale iska taagi kara. Xafiiskaasi waa inuu xidhiidh wanaagsan la yeeshaa dadka cilmi baadhis ku hawlan si loo xoojiyo waxtarkooda loogana ilaaliyo in cid ujeeddo gaara lihi u soo dhacdo oo la majara habaabiyo si khalad ahna loo adeegsado. Masuuliyiinta qaranka waxaan leeyahay; ha noqonina hooyadaa ilmaheeda hadalka kaga bakhayshay ee noqda hooyo barbaarin wacan oo ilmaheedu la tartamo ubadka caalamka kale ee la qayrka ah.

 

 

 

2. Dadweynaha sharafta leh waxaan ka codsanayaa inay indho gaara u yeeshaan horumarka dadka iyo dalkooda taageerana ka geystaan kolba wixii awooddu tahay af iyo addinba. Waxaad ogaataan in horumarka waddankastaaba ku xidhan yahay hadba heerka aqoonta dadkiisu gaadhsiisan tahay. Sidaa darteed, dhamaanteen waxaa inagu waajib ah inaynu wixii danteena guud ku jirto taageerno wixii hagar daamo keenayana meel uga soo wada jeedno inagoo sharciga dalka iyo ka diintaba ixtiraamayna.

 

 

 

3. Bahda warbaahinta; waxaan idinku ammaanayaa dedaalka weyn ee aad ugu jirtaan inaad wararka iyo hadba wixii dalka ka jira ugu soo bandhigtaan dadweynaha. Waxaan yar dareemaa inaad inta badan culayska saartaan xagga arrimaha siyaasadda, sidaa awgeed waxaan idinku dardaarayaa bal inaad xagga horumarka iyo arrimaha bulshadana il gaara ku haysaan oo aad macaan iyo qadhaadh wixii mudan in la sheego miiska soo dhigtaan, si dadweynuhu uga marag kaco markhaatina uga noqdaan ka dibna ka garnaqaan.

 

 

 

Gabogebo

 

Wiilasheena gebigood

 

gabdheheena idilkood

 

Odayaal gaboobiyo

 

kuwa weli gurguurtaba

 

Geesiyada dalkaygow

 

aynu guusha hananee

 

Gacmaha is qabsada oo

 

geeddi socodka wada haga

 

 

 

Midka garasho dheeree

 

danta guud ilaashiyo

 

Ka aqoonta gaarka ah

 

guulle hibo u siiyee

 

Cilmi baadhis galayee

 

u gurmaday waxbarashada

 

Aynu horumar gaadhnee

 

u gergaara abidkiin

 

 

 

Adan Jama Hadi - London, uk

 

adanhadi@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Mashalaah he is a talented brother ... but he would have been arrested in the west for broadcasting on FM radio and face stiff fines.

 

he should have built a proof of concept model that transmits in the unlicensed ISM band (wireless routers, cordless phones etc) and he would have had no problem.

 

it is illegal to broadcast on a licensed radio spectrum ... he can interfere with the operations of other radio stations as well as mobile phone operators and a FM transmitter that can cover all of hargeisa is in the 50 KW range which is a dangerous power levels to be working with.

 

the authorities have to ensure that you dont exceed max power spec or you will drown out radio channels in the adjacent bands etc and you dont broadcast beyond the area you are licensed for.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this