Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Puntland oo bilaabay wacyi-gelin

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Xubno ka tirsan GKDP (TPEC) oo uu hogaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Jaamac Xirsi Faarax ayaa kulamo la yeeshay Maamulka Gobolka Sanaag, kan Degmada Baran iyo qaybaha bulshada Degmada Baran.

Waxay la wadaageen qorshaha GKDP iyo jadwalka doorashada iyagoo dhinaca kalana ka dhagaystay maamulka iyo dadweynaha talooyin ku aaddan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta Puntland.

Maamulka Puntland ayaa Rajeynaya  in Nidaamka Hada Jira ee Baarlamaaniga ah ay uga Gudbi Dooonaan Waqtiyada Dhaw Nidaamka Axsaabta Badan.

Tiro dhawr Jeer ah oo hore ayey isku dayeen Hogaamiyaahsii Soomaray Puntland in ay  Sameeyaan Ururo Siyaasadeed si ay Siyaasiyiinta Ahdafatooda Siyaasadeed uga iibiyan Shacabka Deetana uu shacabku Doorto Hogaamiyaha ay isleeyihiin Danihiina ayuu ka turjumayaa Laakiin Himilooyinkaasi ma noqon Kuwo Guulaysta

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni ayaa isagu hada u muuqda Hogaanka duwan kuwii Hore marka loo fiiriyo Dardargalinta Doorashooyinka Shacbiga Maadama uu bilaabay Hawshaasi markii ladoortay Sanad Kahor.

Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 people, people standing

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this