Deeq A. Posted February 7, 2020 Garowe (SMN) – Xubno ka tirsan GKDP (TPEC) oo uu hogaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Jaamac Xirsi Faarax ayaa kulamo la yeeshay Maamulka Gobolka Sanaag, kan Degmada Baran iyo qaybaha bulshada Degmada Baran. Waxay la wadaageen qorshaha GKDP iyo jadwalka doorashada iyagoo dhinaca kalana ka dhagaystay maamulka iyo dadweynaha talooyin ku aaddan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta Puntland. Maamulka Puntland ayaa Rajeynaya in Nidaamka Hada Jira ee Baarlamaaniga ah ay uga Gudbi Dooonaan Waqtiyada Dhaw Nidaamka Axsaabta Badan. Tiro dhawr Jeer ah oo hore ayey isku dayeen Hogaamiyaahsii Soomaray Puntland in ay Sameeyaan Ururo Siyaasadeed si ay Siyaasiyiinta Ahdafatooda Siyaasadeed uga iibiyan Shacabka Deetana uu shacabku Doorto Hogaamiyaha ay isleeyihiin Danihiina ayuu ka turjumayaa Laakiin Himilooyinkaasi ma noqon Kuwo Guulaysta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni ayaa isagu hada u muuqda Hogaanka duwan kuwii Hore marka loo fiiriyo Dardargalinta Doorashooyinka Shacbiga Maadama uu bilaabay Hawshaasi markii ladoortay Sanad Kahor. View the full article Share this post Link to post Share on other sites