Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka gedo iyo kan degmada Baardheere oo lagu xiray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in  halkaas lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Alqaadi iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax.

Wararka  waxay intaas ku darayaan in  masuuliyiintan ay ka mid yihiin xubanaha si gaar ah u taageersan maamulka Jubbaland islamarkaana ka howlgala Gobolka Gedo.

Labadaan mas’uul ayaa la keenay Muqdisho kadib markii taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ay dowladda u dirtay kaas oo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo u samyeey.

Intaa kadib masuuliyiinta Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la sheegay in ay wareegeen  ciidamo  ka tirsan booliska Soomaaliya  kuwaas oo xabsiga u taxaabay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye ku xigeenka gobolka gedo iyo kan degmada Baardheere oo lagu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this