Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Gawaadhi Gaashaaman oo laga xaday xero ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Sweden: Gawaadhi Gaashaaman oo laga xaday xero ciidan

 

 

gawari.jpg?resize=620%2C400&ssl=1

Hay`adaha amaanka dalka Swedan ayaa baadi-goobaya labo gaari oo nooca gaashaman ah kuwaas oo laga xaday xero ciidan oo ku taal magaalada Enköping oo u dhow Uppsala.

Gawaaridan ay ciidamadu leeyihiin ee la xaday ayaa ah nooca qaaliga ah ee loo yaqaan Galten, waxaana midkiiba uu yahay ku dhowaad 3 mitir oo joog ah iyo 5 mitir oo jiif ah, halka culeyskiisuna yahay 7 tan.

Booliska ayaa sheegay in xerada lagala baxay gawaaridan ay ka warheleen shalay gelinkii dambe, waxaana ayna intaasi raaciyeen in ay u baarayaal kiiskan sida mid tuuganimo xad-dhaaf ah.

Qoraal ay soo qoreen booliska ayay ku sheegeen in xatooyadu dhacday inta u dhaxeysay 4. og 5. bishan eynu ku jirno ee februar.

Dadka iyo darawallada ayay ugu baaqeen in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa gawaaridan, ayna kusoo wargeliyaan boolisk haddii ay arkaan.

Waa markii ugu horreysay oo gawaari ciidan laga xado ciidamada Swedan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this