Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo amartay ciidankeeda kadib ‘dagaal ay kusoo qaaday DF’

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Shir ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha wasiirada Jubaland ayaa looga hadlay ciidamada ay dowladda federaalka toddobaadyadii dhowaa ku daabuleysay islamarkaana qabsadady qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo.

Sida lagu sheegay qoraalka, golaha wasiirada Jubaland ayaa go’aan ku gaaray inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.”

“Goluhu waxay caddeynayaan in cawaaqib xumada ka timaada dagaalka qaawan ay masuul ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka, oo lagu faafiyey warbaahinta maamulka Jubaland.

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday inay aqoonsato doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe, waxayna shaacisay qorshe ay ku dhiseyso maamul cusub.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qabsashada Gedo ay xigi doonto dhismaha maamulkaas oo xaruntiisa ay u badan tahay inuu noqoto gobolka Gedo.

Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ka go’an inay qabsato gobollada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, hase yeeshee ma cadda sida qorshahaas uu ku fuli doono, ayada oo Jubada Dhexe ay inta badan maamulaan Al-Shabaab, halka Axmed Madoobe uu ku xoogan yahay Jubada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this