Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa xalay degmada Qardho ee gobolka Karkaar kula shiray qaybaha kala duwan ee dadwaynaha degmada Qardho oo isugu jiray Odayaal, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo waliba guddoonka gobolka iyo degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan iyo xildhibaannada gobolka.

Guddiga ayaa bulshada la wadaagay qorshaha hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo Jadwalka ay doonayaan in ay ku gaaraan, waxayna shacabka ka dhegaysteen aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashada qof iyo cod iyada oo guddigu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay qabeen dadweynihii kasoo qayb galay madasha.

1-9.jpg?w=1000&ssl=1 2-8.jpg?w=1000&ssl=1 3-6.jpg?w=1000&ssl=1 6-2.jpg?w=1000&ssl=1 7-2.jpg?w=1000&ssl=1 5-3.jpg?w=1000&ssl=1 8-2.jpg?w=1000&ssl=1 ccc.jpg?w=1000&ssl=1 bb-1.jpg?w=1000&ssl=1 9-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this