Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Warfaa oo shirweyne uga qeyb galay Paris

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo ka furmay  magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shirka ku soo bandhigaya dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la’aanta ka jirtay dalka .

“Wasaaradda aan hoggaamiyo wax ay dadal muuqda ku bixisay sannadkii tagay  sidii loo heli lahaa fursado shaqo iyadoo aan ka duuleyno tirada ugu badan oo dadkeena ah dhallinyaro si ay u helan fursado shaqo oo ay kagag marmaan shaqo la’aanta soo wajahaday .” ayuu yiri Wasiir Sadiq.

Shir weynaha ayaa intii u socday waxaa  diiradda lagu saaray sidii ay wadda shaqayn dhawo u yeellan lahayeen shaqaalaha iyo maamulka ay  hoostag si ay u yaraato ka war qab la’aanta xaaladda dadka ka shaqeeya xaruumaha dowladda.

dhanka kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiq Warfa ayaa la kulmay  ra’iisul wasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven oo uu u gudbiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay wada-hadallada bulshada iyo xal u helida shaqada,iyadoo wadajir loo shaqeynayo. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Sweden uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:
ggg-1.jpg 83928333_2703059169743643_84071280836639 84334886_2703059269743633_60991974154017

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this