Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Federaalka oo la wareegay Beled Xaawo iyo Doolow

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay xalay  la wareegeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo kadib uu shalay halkaas safar gaabanku tegay wasiirka Amniga  dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan.

Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale dowladdu ay maanta ciidamo horleh oo ka tirsan Booliiska geynayso  degmadaasi Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo si ay ugu xoojiso Ciidamadii horay u joogay.

Ciidamada dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale la wareegay degmada Doolow oo ay horay u joogeen Ciidamo taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan ayaa isla shalay ka baxay degmada Beled Xaawo xilli ay dowladda Federaalku doonayso in mar kale gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu ka baxsaday 28-kii bishii hore ee January.

Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in la soo qabto wasiir Janan waxaana ay sheegeen in ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL si sharciga loo horkeeno Wasiirka oo ay ku eedeeyeen denbiyo culus.

Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa ciidamo ku daabulaysa degmooyinka kala duwan ee ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubaland taasi oo dowlad goboleedka Jubaland ay walaac ka muujisay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Federaalka oo la wareegay Beled Xaawo iyo Doolow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this