Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay Dhoofka Xoolaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Nairobi Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani, ay kulankooda uga wada-hadleen arrima ku saabsan xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga, gaar ahaan sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay Dhoofka Xoolaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this