Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Degmada Dangoroyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa saaka kulan la qaatay maamulka iyo qaybaha bulshada ee Degmada Dangorayo oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Guddiga ayaa uga warbixiyay maamulka iyo bulshada Dangorayo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo jadwalka doorashada.

Guddomiyaha Degmada Dangorayo Mudane Mukhtaar Cabdiraxmaan ayaa Guddiga kusoo dhoweeyay degmada, waxgaradkii iyo qaybihii bulshada ee Guddigu la kulmayna waxay Guddiga la qaybsadeen dareenkooda iyaga oo talooyina siiyay Guddiga.

Guddiga ayaa sidaan oo kale horay degaanno kala duwan ugu tegay socdaallo ku saabsan Qorshe Hawleedka Guddiga iyo sidoo kale wacyi-gelinta Barnaamijka Xisbiyada badan ee Puntland.

Kulamadaasi ayaa qeyb ka ah Latashiyada Gudddigu la samaynayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland si loo fahansiiyo Qorshaha Hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan sidoo kalana loo uruuriyo talooyinka ay Bulshadu Guddiga siinayaan.

2-4.jpg?w=1000&ssl=1 4-3.jpg?w=1000&ssl=1 1-4.jpg?w=1000&ssl=1 3-4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Bulshada Degmada Dangoroyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this