Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Janan oo lagu soo dhoweeyey M/ Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa maanta si weyn lagu soo dhaweeyay gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Janan oo diyaarad milatari ay ka soo qaaday dalka Kenya ayaa u jeedada safarkiisa lagu sheegay inay tahay ukuur galida xaaladaha amni ee ka jira magaaladaasi.

Afhayeenka wasaarada amniga maamulka Jubbaland, Mudane Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasiirka uu kulamo la qaadan doonayo waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale warar ay heshay Shabelle ayaa sheegaya inuu wasiir Janan xerada lagu magacaabo UK uu kula kulmay saraakiisha ciidamada, islamarkaana uu kala hadlay u diyaar garowga dagaal ka dhan maamulka dowladda ee ka dhisan gobolka Gedo.

Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa intaasi ku daraya in saaka Beledxaawo uu isaga baxay guddoomiyaha maamulka degmadaasi iyo labadiisa ku xigeen oo dhammaantood la safnaa, islamarkaana taageersanaa dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee waxaa muddooyinkii dambe Gedo ka jiray dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this