Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Mas’uuliyiinta Sare ee Garsoorka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland, oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Guddiga Guuleed Saalax, ayaa saaka xarunta Guddiga kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Nuur Ciise iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan.

Kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Garsoorka ee hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo dhamaystirka dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.

Sidoo kale Guddiga ayaa horay kulamo ula soo yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland, kulamadaasi oo ku salaysnaa hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii Guddigu ay socdaal ku tageen Gobolka Mudug, islamarkaana ay Bulshada Gobolkaasi u bandhigeen Qorsha Hawleedkooda.

PUNTLAND POST

The post Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo la kulmay Mas’uuliyiinta Sare ee Garsoorka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this