Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno si adag uga hadlay Xannibaadda Wasiir Goodax ku sameeyay Shahaadada Ardayda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka  ku matala Puntland, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa  waxa ay kaga hadleen khilaafka ka dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Xildhibaannada oo warbaahinta la hadlay kulankooda kadib, ayaa ay wax laga xumaado ku tilmaameen in xiligaan uu meel adag maray khilaafka salka ku haya qaadista imtixaanka sanadeedka iyo bixinta shahaadada Ardayda Puntland.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Maas oo kamid ah Xildhibaanada Madasha ka hadashay, waxa uu nasiib darro ku sifeeyay in aan Wasiir Goodax ku wargelin go’aanka uu qaatay, islamarkaana ay warbaahinta ka maqleen.

Wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro, ayuu sheegay in ay isku afgarteen Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre bixinta Shahaadada, isagoo Goodax ku eedeeyay in uu ka baxay is-afgaradkaasi.

Xubnihii  labada gole ee Baarlamanka ku matala Puntland, ee  wada hadalka la galay Wasiir Goodax,  ayuu tilmaamay in ay dib ugu laabanayaan Garoowe, si ay ula soo tashadaan mas’uuliyiinta dowladda Puntland.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Maas ayaa sheegay in dood adag ay ka qabanaan go’aanka Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka uu ku gaaray in aanu bixin Shahaadada Ardayda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanno si adag uga hadlay Xannibaadda Wasiir Goodax ku sameeyay Shahaadada Ardayda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this