Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan BF oo ka hadlay xiisada DF iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee Puntland laga soo doorto oo war ka soo saaray khilaafka waxbarasho ee Puntland iyo dowladda dhexe, ayaa waxay eedda khilaafka dusha u saareen wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Xubnahaan ka tirsan BFS ayaa waxa ay wasiir Goodax Barre ku eedeeyeen in uu ka beenshegey, islamarkaan ay la xisaabtami doonaan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha kala hadlayaan xal u helista shahaadada ardayda Puntland.

Ugu dambeyn mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland ayey dhaliileen u jeediyeen, waxaana ay sheegeen  in waxyaabaha qaar qalad ay u fasireen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this